MA
ANAAN YAABIN MARKAAN BOOQDAY BUURHAKABA
Waxaan mooday in aan Suuqa Bakaaraha Muqdisho
dhax joogo markii aan ka degay gaarigii aan watay ee aan safar
booqasho ah ku aaday Buurhakaba si aan wax badan uga soo ogaado
xaalado dagaal oo deegaankaas ku soo kordhay todobaadkii ugu dambeeyey.
Boqolaal rag ah oo aan ku aqaanay Magaalada Muqdisho oo xirfado
kala duwan ku shaqeynayey, ayna ka mid yihiin Macalimiin, Ganacsato,
Xamaali, Dhakhaatiir iyo Farsamo yaqaano ayaan mar qura wada arkay,
waxaan ku sigtay in aan u qato in meesha ay joogaa ay tahay Muqdisho,
balse waxaan garwaaqsaday in meesha ay furin dagaal tahay markii
ay indheheeygu xaqiijiyeen in dhamaanba dadka aan arkayaa ay wataan
dhar tuute ah, Cimaamado guduud u badan iyo qoryaal AK47 u badan.
Salaan iyo Marxabeyn halkudhigeeda uu ku badnaa "Ciid wanaagsan"
ka dib ayaa qof walbaa wuxuu si farxadi ka muuqato uu ii dhahaayey
“Maasha Allaah, Kheyrka Miyaad soo aaday, Jihaadka miyaad
soo aaday” aniguse waxaan Gacanta ku watay Kaamero iyo Radio
Digital ah oo leh Microphone, taas oo u muujineysay dadka aan
kulmeynay in aan hawl u soo aaday meesha.
Waxaa laga yaabaa inuu qofka is weydiiyo Tolloow Albadri Maxaa
ka yaabiyey Markii uu Buur Booqday, anaa kuu sheegaya waxa iga
yaabiyey.
Waxaan aad ula Yaabay, diyaar garowga Dagaal ee Maxaakiimta, Difaaca
banaanka isa soo dhigay ee Itoobiya, iyo dad weynihii reer Buurhakaba
oo ka cararaaya beerahooda xilli ay roobabkii deyrta curteen oo
la filayey in beeraha la falo.
Maxaakiinta waxey meesha geeyeen ciidan aan ka yareyn 1500 qofood
oo aad u hubeysan, waxaase wehliya in ka badan 1500 kale oo iskood
isu diiwaan geliyey oo si mutadawacnimo ah ku tagay furinta iyagoo
doonaya in ay ka faa’iideystaan Jihaadka ay Maxaakiimta
u Iclaamiyeen in ay la galayaan ciidanka Itoobiyaanka ee ku sugan
gudaha dalka Soomaaliya.
Maxaakiimtu waxey Talis weyn oo Ciidan ka sameeyeen meesha Loo
yaqaano Leego oo Muqdisho dhanka Baydhabo ka xigta 150km, waxeyna
talis labaad oo ciidan ka sameeyeen Buurhakaba, inta u dhaxeysa
Leego iyo Moodemoode-na waxaa Jooga in ka badan 12 barood oo ay
raacyo ciidan ah ku sugan yihiin.
WAA SIDEE CIDANKA MAXAAKIIMTA?
Ciidanka Maxaakiinta ee meesha Jooga in ka badan 70% waa dhalin
yaro da’doodu ka yar tahay 30 sano, oo aad ka dheehan karto
in ay leeyihiin astaamihii diiniga ahaa, akhlaaqdooduna ay aad
u sareyso, kana dareemeysid deganaan iyo isku xirnaan.
Waxaa la yaab leh in ciidankaas oo qaarkood aan is aqoonin mid
mid kale weligiis arkayna aan ku jirin aanan ka dhax muuqan wax
is qoomid ah ama kala shaki ah, qoryaha waa isu dhiibtaan, wixii
cunto ahna waa ay isku dhiidhiibaan si ay u wadaagaan.
Intaas ka soke qeyb walba oo ciidanka ka mid ah waxey leedahay
taliye loo yaqaano Amiir, kaas oo ay u ixtiraamaan si aad u heersareysay,
wixii salaan ka badan oo aad askari weydiisaa wuxuu kuugu jawaabayaa
in loo baahan yahay in Amiirka la soo weydiiyo fasax.
Inta aan wadada ku sii jirey ayaan si aad ah ula dhacay wiil saarnaa
geed korkiisa oo ilaalo ka hayey maleeshiyooyin wadada ka qawleysta
oo dadka rakaabka ah dhiba, waxaan weydiiyey in aan nafsad ahaantiisa
ka qaadan karo sawir, markaas ayuu igu yiri “Akhii Amiirkeena
u tag haduu ku soo fasaxo waad I sawireysaa” ka dib ayaan
amiirkii u tagay, amiirkiina wuxuu yiri “Horta wiilka ayaan
weydiinayaa inuu raali ka yahay in la sawiro” taas oo I
tusaaleysay in min Amiir ilaa askari la is wada ixtiraamo oo aan
masuulka oo kaliya aan la ixtiraamin.
Markii uu Amiirkii ninkii dhalinyarada ahaa su’aalay in
sawirka uu ii fasixi karo ayuu wiilkii yiri “In aan hawl
ku jiro uun baa muuqaneysee ha iska keysawirto hadii aan dhibaato
xagga ciidanka ah ka imaaneyn” sidii ayaana laygu fasaxay
in aan wiilkii dhalinyarada ahaa sawir kaga soo qaado.
Dhinaca diyaar garowga ciidanka maxaakiimta waxaa ka muuqanaya
in ay ku soo talo galeen in ay dagaal buuxa la galaan Amxaaradda,
waayo waxaan ka yaabay in ay wateen wixii tasiilaad ahaa ee ay
uga baahnaan lahaayeen Muqdisho oo wada dhameystiran.
Waxaa qeyb walba oo gaadiidka maxaakiimta ka mid ah la joogeen
Rag Latarajiistayaal ah, Kuwo Alxanlayaal ah, kuwo Makaanik ah
iyo kuwo loogu talo galay in ay dhanka goomiistaha ka caawiyaan
oo lugaha gaadiidka xirfadoodu tahay.
Dhamaanba Ragani waxey wateen gawaari ay ku rakibnaayeen qalabkoodii
ay ku shaqeynlahaayeen. Waxaa kale oo socday dhakhaatiir wata
gawaari ay ugu talo galeen in ay dadka dhaawacma ku sii dhax daweeyaan,
iyo Gawaari kale oo farmashiye ah oo daawooyinkii loo baahan lahaa
oo dhami ay saran yihiin.
Dhamaanba qalabkii shaqo ee ay ku shaqeyn lahaayeen ragga aan
kor ku soo xusnay waa ay wataan, oo waxey u qalabeysnaayeen qaab
u eg qaabkii ay ciidanka Ameerikaanka u qalabeysnaayeen markii
a Soomaaliya imaanayeen, waloow aysan hadana qalab ahaan tayo
ku dhameyn.
Jihaadka ay aadeen Xaqiiqadiisa waxaad heleysaa markii aad aragto
Dhakhtar Baabuur dhaxdiisa askar intuu ku qaabilay u soo qoray
daawo, hadana farmashiyaha daawada ay askartaasi ka soo qaadanaayaan
ay tahay Gawaari kale oo Basas yar yar ah nooca ay Soomaalida
u taqaano Caasiga.
Waxaan la kulmay nin ka mid ahaa shabaabta Jihaadka iskood u soo
aaday oo ahaa Makaanik in badan ka soo shaqeeyey Garaashyada Muqdisho
oo iga codsaday in aan magiciisa shaacin.
Waxaan weydiiyey sida uu meesha ku yimid wuxuuna igu yiri “Walaal
in badan ayaan soor musqul tageysa raadiskeedii wakhtigeenii ku
soo luminay, laakiin hadeertaan waxaan halkaan u joogaa oon qorigeyga
u wataa in aan jihaadka galo, baabuurkii Halaabana isagoo aan
Xamar loo wadin aan halkaan ku sameeyo, wax lacag ah oo aan ku
qaadanaayana ma jiraan oo anigaa si mutadawacnimo ah isugu soo
qorey Jihaadka” wuxuuna intaas sii raaciyey “Islaamka
nuurkiisa waan aragnay, ee cidii in ay baabi’iso dooneysa
waan la dagaaleynaa, waana u geeriyooneynaa difaaciisa”.
Markii aan gaaray magaaladda Buur ayaan Fasax weydiistay Guddoomiyaha
Maxkamada Al-Bayaan Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal si la iigu
ogolaado in aan soo booqdo raacyada (aaagaga) hore ee ciidanka
si aan u soo ogaado waxa ka jira sheegashooyinka ah in maxaakiimta
ay Baydhabo u jiraan 30km oo keliya.
Bilaal wuxuu u yeeray Xassan Aadan Buuloow oo taliye u ah ciidanka
deegaanka Buurhakaba oo iyaga jooga raaca ugu horeeya ee ah meesha
looyaqaano Moodemoode, ka dibna wuxuu u sheegay in aan ahay weriye
doonaya inuu shaqo soo qabto, sidii ayuu igu horkacay gaarigii
Buuloow oo igeeyey markii hore meesha loo yaqaano Lug-Habar oo
ay joogeen Raaca sedaxaad ee ciidanka Maxaakiimta, halkaas markii
aan joognay cabaar ayaa la ii kaxeeyey dhanka Dooyada Ugaareey
oo aan wax badan goobta ka fogeyn, ka dibna waxaa la ii gudbiyey
Moodemoode oo aheyd barta aan tilmaansanaayey in aan gaaro.
Moodemoode waxaan ku sugnaa ciidanka deegaanka oo iyaga taageersan
Maxaakiimta, inta aan goobta joognayna waxaan ogaaday arrimo badan
oo is bedel ah oo ciidankaasi lagu sameeyey dhinaca anshaxa iyo
dhaqanka.
Ciidanka deegaanka Moodemoode jooga waa kuwii deegaanka ee Isbaarooyinka
Joogi jirey oo weli aan sifiican loo dhaqan celin, laakiin ay
iyagoo aagga dagaalka ku jira ay ku socotay dhaqancelin iyo tashkiil
dhinaca diinta ah.
Markii aan Moodemoode gaarnay amarkii ugu horeeyey ee uu bixiyey
Md. Buuloow wuxuu ahaa amar uu siiyey darawal watay gaari Caasi
ah oo horteenii meesha taagnaa, kaas oo uu u qaatay in si dadban
isbaaro looga qaadayey, ka dibna darawalkii ayaa yiri “Guddoomiye
Isbaaro maahan ee gaariga ayaa biyo la’aan iga ah oo wiilasha
ayaan biyo weydiistay” hadalkaas kama uusan daadegin Buuloow
oo intuu ciidankii isugu yeeray ayuu yiri “Qof walba waa
la baarayaa wixii saacadaan ka bilawda, qofkii lacag kaash ah
jeebkiisa laga helana waa xarig, weliba Muqdisho ayaan u gudbinayaa
waana la xukumayaa” taas oo ciidankii ay feejignaan ku qaabileen.
MUUQAALKA CIIDANKA MAXAAKIIMTA.
Ragga ka tirsan ciidanka Maxaakiinta waxey dhamaantooda gashan
yihiin tuute cagaaran oo ah noocii lagu yaqaanay Ciidankii Xoogga
Dalka Somaaliyeed ee burburay, qaarkood waxaa u dheer Cimaamado
gudguduuda, qaarse waxey wataan koofido carbeedyo nooga ay Soomaalida
u taqaano sunada, waa dad feejigan oo u diyaar ah in ay dagaalka
iyaga bilaabaan oo aan la celcelin, laakiin waxey amar ka heystaan
madaxdooda oo u diidan in ay dagaal bilaabaan ilaa lagu soo bilaabo.
Waxaa aad indhuhu u qabanayaan rag da’yar oo hadana qaarkood
arday ahaa, iyo odayaal da’ ah oo iyaga ugu soo talo galay
in ay ku shahiidaan dagaalka lala galaayo ciidanka dowladda Itoobiya
ka jooga Soomaaliya.
MUUQAALKA CIIDANKA ITOOBIYAANKA.
Ciidanka itoobiyaanka waxey fadhiyaan Jiida hore ee tuuladda loo
yaqaano Dooynuunaay oo Moodemoode u jirta 8 km, dhanka Baydhabana
u jirta 20 km, ma jiraan wax is qarin ah oo ay sameynayaa, waxey
heystaan 10 gawaarida loo yaqaano Uralka oo u ek gaariga ay soomaalida
u taqaano Jeemiska ama Eljiga.
Afar gaari waxey u yaaleen markii aan meesha booqday wadada dhaxdeeda,
halka lix gaari oo ay ood korka ka saarsaareenna ay ku jireen
dhinaca hawdka.
Askari Itoobiyaan ah oo joojiyey Tagsigii aan saarnaa wuxuu weydiiyey
darawalka, isagoo looga turjumaayo “Intey Joogeen kuwii
wadaadada isku sheegayey, maxey hub heysteen, ma soo socdeen mise
waa fadhiyeen, maxay dadka ku sameynayeen” dhamaanba darawalka
wuxuu kaga jawaabay ma ogi marka laga reebo intey Joogeen oo uu
yiri “Moodemoode”.
MUUQAALKA DAGAALKA
Waxaa muuqaneysa in dagaal uu lama huraan yahay, waayo Itoobiyaanka
iyadoo aan wax soomaali ah ka sokeyn ayey kuwa maxaakiimta isu
jiraan 8 km oo kaliya, halka ciidanka maxaakiimtana ayba doonayaan
in ay mar uun amar ka helaan talisyadooda si ay dagaalka u galaan,
wax heshiis ah ama wada hadal ah oo labada dhinac u diyaarsanna
ma ay jiraan, inta aan deegaanadaasi ku sugnaan ma arag wax ciidan
dowladda ah.
SAAMEYNTA BULSHO EE DAGAALKA.
Xilligan oo ah xilli deyr ah oo dadka ay falan lahaayeen beerahooda,
roob xilliyeedkii deyrtana uu si xawli ah uga curtay meel walba
oo Soomaaliya ka mid ah ayaa dadkii beeraleyda ahaa iyo xoolaleydiiba
waxey bilaabeen in ay ka soo qaxaan inta u dhaxeysa Buurhakaba
iyo Baydhabo oo 60 km oo dhul beereed ah.
Hadii dalagaasi ka soo bixi lahaa beerahaasi sanadkan uu u baaqdo
xaaladaha dagaal dartooda waxaa la filan karaa masiibo bani’aadamnimo
oo soo wajahda dadka deegaankaas oo ku soo barakici doona magaalooyinka
waaweyn si ay nolol u helaan.
Deegaanka waxaa aad u ragaadiyey dagaalo hore oo dhax maraayey
beelaha deegaanka, welina fari kama qodna oo Dowladda Itoobiya
iyo Maxaakiimta ayaa u birtumanaya in ay halkaas isku farasaaraan.
Isku soo wada duuboo, duulaanku waa culus yahay, dhamaanba dadkii
waa ay tageen buur, Itoobiyaanna waa isasoo bandhigay, dadka deegaankana
waa ay qaxayaan si ay xabadda uga badbaadaan, Buurhakabase waa
ay qurux badan tahay hadeer dooga iyo xareedda dartooda.
WQ. Abukar Albadri
Email: aalbadri10@yahoo.com
|