Home |  About Us | | Profile | Links | Contact Us |  
Qalindaar

 

 

Maqaallo

 

 

Faallo

 

 

Sheeko

 

 

Archieve
 
 

HADIMADDA DAGAALLADA SOKEEYE

Dhacdooyin Xanuun Badan
Dhacdada 1-aad Bishii Agoosto ee sanadkii 1994-kii ayaan gaari ku kulanay gabar safar aheyd oo dooneysay in ay gaarto dalka Kenya iyadoo dooneysay in ay ka gududbto dhinaca Baardheere, hase yeeshee anigoo safarka gabadhaasi la wadaagay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaan kala sheekeystay xaalad aan la yaabay ka dibna go’aansaday in yaabkaasi layla qeybsado, ka dibna markii aan Baydhabo gaarnay waxaan ku degnay isku guri, taas oo ii sahashay in aan gabadha ka wareystay waxa ku dhacay waxeyna iiga sheekeysay qiso layaab leh oo xasuus iyo xanuun badan.
Gabadhan oo aanan wax fasax uga heysan in aan magaceeda qoro, haatana aanan ogeyn meesha ay joogto darteed, magaceeda ma xusayo, laakiin sheekadeedii oo markii ay iiga sheekeysayba ii fasaxday in aan qori karo ayaan go’aansaday in aan qoro, waxey ku bilaabaysaa sidatan.

Waxaan ahaa 16 jir markii uu dagaalka ka qarxay magaaladda Muqdishu, waxaan ahaa gabar maqabiyo ah oo aan gurigooda ka soo bixin ilaa markii aan jirey 7 sano, waxaana ka koobneyn 6 caruur ah oo ila dhalatay iyo hooyo iyo aabe, reerkeena waa uu ladnaa oo waxaa lahaan jirnay dhawr dukaan oo ku kala yaaleen inta u dhaxeysa Ceelgaabta iyo Hotel 900 (Bar Noba Jante), ee agagaarka Masjidka Marwaas, markii ay dagaaladda dhaceen, oo dhibaatada badan loo geysanayey dadka aan beelahooda hubka heysan wuxuu qoyskeegii noqoday mid ka mid ah qoysaska dhibaatadii ugu balaarneyd loo geystay hadimada nasiibka u yeeshay.

Xilli galab ah ayaa waxaa gurigeena, oo ahaa sedax dabaq kuna yaalay agagaarka Koodka, noogu soo galeen koox maleeshiyo ah oo ka kooban ilaa 10 qofood, waxey irrida banaankeeda ka soo bilaabeen in ay xabado guriga ku soo ridaan, dhinacyadana waxey u ridayeen xabado kale, Ilaahooow Na Badaadi, waxaan na soo wajahday cabsi tii ugu darneed, waxaan galnay welwelkii ugu weynaa adduunka, maleeshiyadii 5 ka mid ah ayaa markiiba guriga horey u soo galeen, 5 tii kalana banaanka ayey ku sugaayeen si ay difaac ugu sameeyaan kuwa guriga soo galay, ugu horeyn waxey baas ku fureen walaalkeyga oo ahaa da’da kaliya oo iga weyn, curadka aabeheey ahaa, balse aysan hooyadeey dhalin, si xun ayey u dhaawaceen isagoo dhiig baxaaya ayuu kushiinka aktiisa ku rafanayaa, ka dibna hooyadey ayaa naxdin dhulka a dhacday, waana isku dhax yaacday waxey shegeyso iyo wax kale ayeyna ku wareertay.

Kooxdii waxey qori baadkiisa ku garaaceen aabe, waxeyna waydiiyeen inuu sheego meesha lacagta keydka iyo dahabka ugu jiraan, aabe si uu naftiisa u badbaadiyo ayuu u sheegay meelihii wax keyd ah noogu jireen oo dhan, waloow ay tuugadaasi arxanka darnaa ay aabeheey ka qaateen dhamaanba furayaashii, ka dibna gurigii oo dhan faagteen dhaceenna in ka badan $60,000 Kaasha ah iyo dahab kiilaad ah, hadana kuma aysan qancin oo waxey aabe ku cadaadiyeen inuu sheego lacag iyo dahab kale, markii uu u sheegay in aysan jirin meel ay wax lacag ama dahab ah ugu jiraanna waxey ku yiraahdeen Ashahaado, markii uu ashahaatayna ………oohin ………oohin …… waa ay dileen, waxey xabada kaga dhufteen wejiga iyo caloosha, ka dibna isagoo rafanaayo ayey ka dhaqaaqeen anigiina I kaxeesteen.

Inta ay qeyb tuugada ka mid ah ay dilayeen aabaheey, qaar kale waxey faraxumeyn ugu dhaqaaqeen hooyadeey, anigiina inta indhaha garbasaar aan watay la iiga xiray ayaa lay saaray gaarigii ay tuugada saarnaayeen oo hoos yaalay, waxeyna ii sheegeen in aanan hadli Karin, hadii aan ooyana ay i dilayaan, ………oohin………qof waalidkiisa la dilay, walaakiis la dilay, hooyadii hortiisa lagu faraxumeynayo isagana afduub gaari loo saartay sababta uu u oyn waayo anigu ma garaneyn, laakiin oohintii oo aan ceshan waayey darted waa yara miir beelay, waxaana ku dhacay gaarigii sagxadiisa.

Dhamaanba dadka deriska ah waa ay ogaayeen waxa nagu dhacaya, mana jirin qof wax gurmad ah noo sameeyay, waloow ay jireen dad ka xun waxa nagu dhacaya, hadana nooma aysan arwaaxi Karin……Ooohin……Oohin……Ilaah baa arxan ku filan.
Aniga sidii la ii waday waxaa lay geeyey guri weyn oo meel walba ay ka fadhiyaan tuugadda loo yaqaano mooryaanta, waxaana la ii sheegay in saacadaas laga bilaabo aan afduubanahay, xitaa ma fahmi Karin waxa loola jeedo Afduub, waayo Af Soomaaligaba dhib ayuu igu ahaa, waayo maqabiyo aan dadka la sheekeysan oo keligeed qol ku jirta ayaan ahaa.
Markii gurigii lay keenay, waxaa bilaabatay shuuxshuux iyo in faraha laygu soo taagtaago, qaar aa bilaabeen in ay dhahaan (Caawo Gaal aa god iigu jiree garuun haleykeeno) waxaa la is weydiinayaa goorta kawaanka la I saarayo, dabley kasta wuxuu jeclaan lahaa in mar uun uu maqlo waa la kufsanayaa si feelka dhiniciisa uga soo galo, laakiin ninkii kooxdaasi tuugada madaxa u ahaa ee aahabeey dilay, hooyadeey soo faraxumeeyey wuxuu go’aansaday inuu keligiis i heysto oo nimanka kale aysan ii soo dhowaan.

Habeenkii ugu horeysay ee aan ka walwalsanaa sida xaaladeyda noqoneyso iyo waxa ay reerkeyga ku sugan yihiin, meeydkii aabaheey meesha lagu aasay, walaalkey inuu dhintay iyo inkale, hooyadeey waxa gaaray, ayaa anigiina waxaan wajahay dhibaato weyn, balse waan is diyaariyey oo waxaan niyeystay in aan wajihi doono, kufsi iyo dil.

Ninkii madaxa tuugada ahaa wuxuu meel dhigtay derin, wuxuuan so oak dhigtay bac ay ku jiraan caws badan, wuxuuna igu yiri kaalay, markii aan u tagayna wuxuu ii sheegay in aan xaaskiisa ahay, hadaan diidana uu i dili doono, isla habeenkii ayuuna wuxuu igu amray in cawska oo ahaa Jaad uu cunaayey aan afka u gelgeliyo.
Hadalka ugu yaabka badnaa ee uu habeenkaas I dhahay wuxuu ahaa “Waan geerasheeynaa” aniguse maba aqoonin waxa uu ula jeeday, in aan fahmi karina isaga wuu ogaa, intuu igu qoslay ayuu I dhahay hadaadan garaneyn waa lagu baraa.

Aniga Jaadka waan la yaabanaa, waxaana is dhahay dadkaan waa reer baadiyeyaal waxey cunaayaan cawska sidii xoolihii, laakiin maba dareensaneyn in jaadka uu yahay wax lacag badan laga soo bixiyo oo suuqa lagu gado.
Isla habeenkii ayaa waxaa ii bilaabatay noloshii ugu mugdiga badneyd oo adduunkaan uu ku soo maro qof bani’aadam ah, hase yeeshee wax walba amar Ilaaheey ayey ku dhacaane, waan wajahay, waayo ma lihi awood ka weyn in wixii sameey lay dhaho aan sameeyo.
Nolosheyda waxey soo martay dhawr weji oo aad u xanuun badan.

| Wajiga 1aad | Wajiga 2aad | Wajiga 3aad | Wajiga 4aad |

                   
 

Qalin Press - All Rights Reserved
Designed and hosted by AfroTech